Wasaaradda caafimaadka oo walaac ka muujisay isku soo baxyada siyaasadeed

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in la qabanayo kulamo siyaasadeed oo ay dad badan ka qayb galayaan iyadoo dhanka kale ay sii kordhayaan xaaladaha caabuqa corona ee gudaha wadanka.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo tirada guud ee kiisaska cudurka COVID19 ee Kenya ay gaartay 56,601 kaddib markii galinkii dambe ee shalay ay wasaaraddu shaacisay xaalado cusub oo 724 ah.
Isku celcelis ahaan xaaladaha coronavirus ee dalka ayaa lagu sheegay boqolkiiba 14.2%.
Dhimashada guud ee ka dhalatay cudurka COVID19 tan iyo bishii saddexaad ee sannadkan ayaa ah 1,027.
Sidoo kale waxaa ilaa iyo hadda cudurka ka caafimaaday 37,442 qof .
Wasiirka ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ugu baaqay inay tixgeliyaan badqabka shacabka iyo nafsadooda.
Xilli uu warbaahinta kula hadlay deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta ayuu Kagwe ku nuuxnuuxsaday inay lagama maarmaan tahay in shacab iyo madax loo wada hoggaansamo amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynata faafidda caabuqa corona.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here