Wasaaradda caafimaadka oo walaac ka muujisay kiisaska dhimashada Corona ee sii kordhaya

Waxaa la filaya in labada usbuuc ee soo socota ee wax iska badali karaan tirada kiisaska ee dalka laga diiwangalinayo iyadoona la dareemayo koror ka dhan ah dadka u dhimanaya caabuqa COVID 19.
Toddobaadkii la soo dhaafey, Kenya waxay diiwaan gelisey wax ka yar dhimasho 50 iyada oo tirada ugu badan, la diiwangaliyay Jimcihii Kaddib markii ay Virus-ka u dhinteen 13 ruux.
Min shan qof ayaa u geeriyooday xanuunkan arbacadii iyo khamiistii halka shalay oo sabti ahayd ay u geeriyoodeen 7 ruux.
Sii hayaha agaasimaha guud ee wasaaradda cafaimaadka ee dalka Patrick Amoth ayaa sheegay in tani loo aaneynayo xogta aysan soo gudbineynin qaar ka mid ah ismaamulada ee dalka.
Waxaa uuna sheegay in dowladda ay sii xoojin doonto dagaalka ka dhanka ah cudurkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here