Wasaaradda Caafimaadka Somalia oo shaacisay dad ka bogsaday COVID-19

Wasiirada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 36 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 782.
Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 33 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Puntland, 21 qof, , Puntland 7 iyo Galmudug 5 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,812.
Bukaannada cusub 30 waa rag. 3-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay majirin dad Soomaaliya ugu geeriyooday Cudurka COVID-19.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here