Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo ka hadashay gabar Muqdisho lagu kufsaday kadibna la dilay

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada dowladda Soomaaliya waxay si adag u Cambaaraynaysay falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geestay Marxuumad Xamda Maxamed Faarax oo ka mid ahayd ardayda Sannadkaan dhameeyay Dugsiyada Sare ee Soomaaliya kuna noolaan jirtay magaalada Muqdisho.
Warka ka soo baxay wasaarda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lgu sheegay in Falkaan argagaxa leh ee lagula kacay Marxuumad Xamda uu yahay Jariimo weyn oo lid ku ah diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo aanan marnaba loo dul qaadan Karin.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxey Hay’addaha Caddaalada Soomaaliya ka dalbatay in kuwii falkaan geystay la horkeeno caddaaladda laguna qaado ciqaab u dhiganta gabood falka ay u geysteen Marxuumad Xamda Maxamed Faarax.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada dowlada Soomaaliya Dr Fawziya Abiikar Nur iyo dhamaan shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka waxay tacsi tiiraanya leh u direen Dhamaan umada soomaliyeed, gaar ahaan Ehelka iyo Qaraabada Marxuumad Xamda Maxamed Faarax oo Muqdisho lagu dhibaateeyay.
Dhanka kale Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay falalka kufsiga ah ee kusoo batay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya iyo xitaa Caasimada Muqdisho oo Falkii ugu danbeeyay ka dhacay maalmo ka hor , waxayna sheegeen in dowladda Soomaaliya laga doonaayo inay Samays baaritaano dhab ah oo dhamaystiran laguna ogaanaya halka ay dhibaatadaan ka soo bilaabatay si ugu danbayntii loo Helo xal waxku ool ah.
Sheekh Cabdulxayi Sheekh Aadan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in falalkaasi naxdinta leh ay aaminsan yihiin inay ka dambeeyaan gacmo ka baxsan Soomaaliya, islamarkaana Hay’addaha baarista laga codsanaayo in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo.
Waxaa uu sheegay in diinta islaamka iyo dhaqanka Suuban ee Soomaaliyeedba ay kasoo horjeedaan falalkaan, islamarkaana ay dhacdooyinka la kufsanaayo carruurta yar yar,Gabdhaha iyo dilalka dadkaasiba yihiin kuwo ku cusub Soomaaliya.
Sheekhaan ayaa tilmaamay in haddii aan tilaabo laga qaadin kuwa ka dambeeya falkaan ay dhibaatooyin hor leh ka dhalaan karaan.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay daba Gal weyn ku samaynayaan ayna daba taagan yihiin kiiska kufsiga iyo dilkii waxashnimada ee Muqdisho loogu geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, islamarkaana ay warbixin ka sugayan hay’addaha Ammaanka.
Waxay sheegeen in marnaba kiiskaas aysan ka hari doonin ilaa cadaaladda la marsiiyo dadkii ka dambeeyay falkaas, kuwaasoo qaarkood la sheegay in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku hayaan.
Wasaarada amniga gudaha ayaa laga dalbaday inay muddo hal todobaad gudihiis ah ku soo gudbiso warbixin dhamaystiran oo ku saabsan dhacdaan argagaxa leh ee Maalmo ka hor ka dhacday Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here