Wasaaradda maaliyadda oo 10 cisho u qabatay 15 ka mid ah ismaamulada dalka

Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa muddo 10 maalmood ah u qabatay 15 ka mid ah 47 ismaamul ee wadanka ka jiro oo aan ilaa iyo hadda ku guulaysan inay si buuxda u bixiyaan qarashaadka lagu yeeshay.
Bilooyin ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu amar ku bixiyay in dowlad deegaanada ay bixiyaan lacagaha ay ku leeyihiin dadka qaab heshiis ah adeegyo ugu fidiyay sida qandaraasleeyda.
Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ahna sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda Ukur Yatani ayaa hoosta ka xarriiqay in ismaamuladan aynan lacago siin shirkado si gaar ah loo leeyahay oo u fidiyay adeegyo ama qalab ku wareejiyay.
Dowlad deegaanadan ayaa kala ah Nairobi, Machakos, Narok, Vihiga, Isiolo, Tana River, Migori, Tharaka Nithi ,Bomet, Kirinyaga, Nandi, Mombasa, Kiambu, Garissa iyo Baringo.
Waxaa uu Ukur Yatani sheegay in ismaamulada ay ka midka yihiin Yatani Elgeyo Marakwet, Homabay, Kajiado, Kericho, Kilifi, Kwale, Laikipia, Makueni, Nyamira, Nyandarua, Nyeri iyo Uasin Gishu ay u hoggaansameen amarkii madaxweynaha.
Ismaamulada tallaabo qaaday balse aan weli si buuxda qarashaadka u bixin ayaa kala ah Taita-Taveta, Turkana, Kisumu, Meru, Samburu, Nakuru, Murang’a, Mandera, Kisii, Busia, Marsabit, Bungoma, Siaya, Transnzoia, Kitui, West Pokot, Embu, Kakamega, Wajir iyo Embu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here