Wasaaradda maaliyadda oo aan ku guulaysan qorsho ka dhan ahaa qaar ka mid ah ismaamullada

Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha miisaaniyadda ayaa dhinac isaga dhigay codsi uga yimid wasaaradda maaliyadda.
Waxay wasaaraddu doonaysay inaan wax lacag ah la siin 15 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka ka jira oo aan weli bixin qarashaad lagu yeeshay.
Bishii hore ayay ahayd markii sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda Mr. Ukur Yattani uu xildhibaanada ka codsaday inay hor istaagaan in dhaqaale lagu wareejiyo dhowr ismaamul.
Waxaa uu Yattani damacsanaa in codsigan la dhaqangeliyo laga billaabo 1-dii bishan Diseembar balse taasi ayaan weli lagu tallaaba qaadin.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ahna guddoomiyaha guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee golaha sharci dejinta , Kimani Ichung’wah ayaa sheegay in sababo farsamo awgood aynan wasiirka ku taageeri karin qorshihiisa.
Dowlad deegaanada laga cabsi qabay inay arrintan saameyso waxaa ka mid ahaa Narok, Machakos, Nairobi, Vihiga, Isiolo, Tana River, Migori, Tharaka-Nithi, Bomet, Kirinyaga, Nandi, Mombasa, Kiambu, Garissa iyo Baringo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here