Wasaaradda maaliyadda oo laga dalbaday inay ismaamulada lacago ku wareejiso

Golaha ay ku mideysanyihiin guddoomiyaasha ismaamulada dalka ee COG ayaa wasaaradda maaliyadda ka dalbaday inay soo saarto lacago bishii lixaad ee sannadkan loo qoondeeyay 47-da dowlad deegaan ee dalka.
Dhaqaalahan ayaa gaaraya 43 bilyan oo shilin waxayna barasaabyada doonayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo wareejiyo si uunan hakad uguy imaan adeegyada loo fidiyo dadweynaha.
Barasaabka ismaamulka Kakamega ahna guddoomiyaha golaha CoG Wycliffe Oparanya ayaa sheegay inay tahay sharci darro in wasaaradda maaliyadda aynan xilliga habboon soo saarin dhaqaalaha loogu talagalay dowlad deegaanada.
Waxaa uu intaasi raaciyay inay rajeynayaan in ugu dambeyn dhammaadka toddobaadkan ay dowladda dhexe miisaaniyad ku filan ka helaan.
Sido kale hoggaamiyaha Kakamega ayaa ku nuuxnuuxsaday inaan weli la xallin muranka la xariira qaabka dhaqaalaha ay u qeybsanayaan dowladda dhexe iyo ismaamulada.
Mr. Oparanya ayaa hoosta ka xarriiqay in baarlamaanka dalka uu soo jeediyay in ismaamulada la siiyo lacag dhan 319 bilyan balse golaha COG uu aqalka sare kula taliyay in miisaaniyaddaasi laga dhigo 327 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here