Wasaaradda maaliyadda oo lagu dhaliilaya miisaaniyad cusub

Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa dhaliil kala kulantay miisaaniyad dheeraad oo ay soo saartay oo la xiriirta dhanka mashaariicda taasoo lagu tilmaamay inaynan waafaqsaneyn dastuurka wadanka.
Waxay wararku intaa ku darayaan in lacag la sheegay in lagu maalgelinayo mashaariic cusub aynan qeyb ka ahayn miisaaniyad sannadeedka 2019/2020-ka uu baarlamaanka ansaxiyay.
Dhaqaalahan ayaa looga gol leeyahay in Kenyaanka looga fududeeyo culeyska uu la yimid cudurka Covid-19.
Hasa ahaate warbixin loo gudbiyay guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee baarlamaanka dalka ayaa lagu xusay in wasaaradda maaliyadda ay baal martay qeybta 223-aad ee dastuurka dalka farqada 44-aad oo qeexeysa qaabka la doonayo in loo maareeyo lacagaha dadweynaha.
Waxaa su’aal la geliyay 1.5 bilyan oo shilin oo loo qoondeeyay maamul dhawaan loo xilsaaray isku duba ridka adeegyada Nairobi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here