Wasaaradda maaliyadda oo maanta soo bandhigaysa miisaaniyadda dalka

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka Mr. Ukur Yatani ayaa la filayaa inuu maanta baarlamaanka u gudbiyo miisaaniyad sannadeedka 2020-2021-ka.
Lacagtan ayaa gaaraysa ilaa 2.7 tiriliyoon oo shilin si dib loogu soo noleyo dhaqaalaha wadanka ee uu hoos u dhaca ku yimid cudurka Covid-19 awgii.
Mr .Yatani ayaa sido kale sheegay in la soo saari doono canshuur laga qaadaya ganacsiga dhanka dijitaalka oo ah boqolkiiba 1.5.
Golaha fulinta ayaa lagu wadaa in loo qoondeeyo 1.82 tiriloyoon oo miisaaniyadda guud ka mid ah.
Ismaamullada dalka ayaa heli doono 369.8 bilyan oo shilin halka baarlamaanka iyo waaxda garsoorka la kala siinaya 37.7 bilyan iyo 18 bilyan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxa bangiga dhexe ee dalka Dr. Patrick Njoroge uu sheegay in cudurka Covid-19 uu saameyn ballaaran ku yeeshay dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here