Wasaaradda maaliyadda oo wax ka qabatay miisaaniyaddii la dhimay ee garsoorka

Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa xal u heshay walaac dhanka dhaqaalaha ah oo uu dhawaan muujiyay madaxda waaxda caddaaladda ee dalka Mr. David Maraga.
Mr. Maraga ayaa maalmo ka hor sheegay in miisaaniyad dhimis la sameeyay awgeed , waaxda garsoorka ee uu hoggaamiyo ay ku adkaatay in xita ay iska bixiso qarashaadka la xariira isticmaalka intarneetka.
Hasa ahaate madaxa waaxda diiwaangeinta ee garsoorka dalka Anne Amadi, ayaa sheegtay in arrimahaasi dib loo eegay.
Waxay intaasi ku dartay in dhawaan barnaamijyadii horay loo qorsheeyay ee waaxda garsoorka ay sidii caadiga ahayd ku sii socon doonaan.
Tani ayaa ku soo aadaysa kaddib markii dhanka kale madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu shalay saxiixay hindise sharciyeedka maaliyadda ee Finance Bill 2019.
Waxay tani micnaheedu tahay inaan meesha laga saarin lacagaha dulsaarka ah ee ay bangiyada iyo shirkadaha adeegsadaan marka ay amaahda bixinayaan.
Sido kale ansaxinta sharcigan waxay canshuur saaraysa dakhliga ka soo xaroodo suuqyada wax lagu iibiyo ee online ama djitaalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here