Wasaaradda tacliinta iyo dowladda Hungary oo heshiis gaaray

Wasaaradda waxbarashada ee dalka iyo dowladda Hungary ayaa heshiis wada saxiixday.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday qoraal dhawaan la soo dhigay barta rasmiga ee wasaaradda ee Twittarka.
Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid ku saleysan isafgarad u dhexeya labada wasaaradood ee tacliinta ee Kenya iyo Hungary.
Waxaa loo adeegsan doonaa fulinta barnaamij loogu magacdaray Stipendium Hungaricum Programme oo shaqeyn doono inta u dhaxaysa 2021 ilaa 2023-ka.
Barnaamijkan oo ah deeq waxbarasho ayaa sannad kasta waxaa ka faa’iidaysan doono 100 ka mid ah ardayda dalka ee ku wanaagsan dhanka waxbarashada.
Safaaradda dalka Hungary ee magaalada Nairobi ayaa dhankeeda sheegtay in dhawaan la billaabi doono qabashada codsiyada ku saabsan deeqdan dhanka tacliinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here