Wasaaradda tacliinta oo gabdhaha u qaybin doonto suufka ay isticmalaan xilliga caadada

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay inuu jiro qorsho ku saabsan in gabdhaha dugsiyada dhigta ee hadda guriyaha ku sugan loo qaybiyo suufka ay isku nadiifiyaan xilliga ay qabaan dhiigga caadada.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo xarumaha waxbarashada ay xiran yihiin laga soo billaabo bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan cudurka COVID19 awgii.
Xoghayaha wasaaradda tacliinta ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa amar arrinkan ku aaddan siiyay agaasimayaasha waxbarashada ee deegaannada.
Waxaa uu ku amray inay kaashadaan maamulayaasha dugsiyada si agabkan muhiimka ah loo gaarsiiyo gabdhaha.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa horay baarlamaanka u sheegay in wasaaradda ay sameynayso wax walbo oo suurtagal ah si loo xalliyo cabashooyinka arrinkan la xiriira.
Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay inaynan jirin sabab keeni karto in gabdhaha aynan si lacag la’aan ah ku helin suufka ay xilliga caadada isku nadiifiyaan iyadoo dowladda dhexe ay barnaamijkan u qoondeysay 470 milyan oo shilin.
Macluumaadka wasaaradda jinsiyadda ayaa tilmaamaya in sannadkii hore gabdho dhan 3.7 milyan ay heleen 14.8 milyan oo ah xirmooyinka suufkan waxaana ku baxday lacag dhan 420.6 milyan.
Barnaamijkan ayaa dhaqangalay bishii lixaad ee sannadkii 2017-kii kaddib markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu qalinka ku duugay isbeddel lagu sameeyay sharciga tacliinta aasaasiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here