Wasaaradda tacliinta oo isbeddel sameyn doonto hadii xaaladda ay sii xumaato

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof . George Magoha ayaa sheegay in ilaa iyo hadda uunan wax isbeddel ah ku imaan xilliga la qabanaya imtixaanaadka qaran ee shahaaddiga ee KCPE-da iyo KCSE-da.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in maanta dib loo furo dugsiyada wadanka balse maalmo ka hor ayaa muddo hal bil oo dheeraad ah lagu kordhiyay.
Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay inay si dhow ula soconayaan xaaladaha cudurka dalka iyo dunidaba saameeyay ee Covid-19.
Wasiirka ayaa xusay in hadii xaaladda ay ka sii darto, dib u eegis lagu sameyn doono jadwalka waxbarashada ee dugsiyada wadanka.
Sido kale waxaa uu wasiirka sheegay in amarkii hal bil lagu kordhiyay xirnaanshaha dugsiyada uu yahay mid qabanaya xarumaha dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay labaduba .
Xarumaha waxbarashada ee dalka ayaa sii xirnaanaya ilaa 4-ta bisha lixaad ee sannadkan.
Wasaaradda tacliinta ayaa dhanka kale shaacisay inay diyaar yihiin casharrada ay ardayda guriyaha joogo qaab online ah ku heli karaan.
Macluumaadkan ayaa laga heli karaa shabakadda machadka horumarinta manaahijta ee dalka ee KICD .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here