Wasaaradda tacliinta oo maanta soo saaraysa lacagaha dugsiyada dowladda

Waxaa la filayaa in wasaaradda waxbarashada ee dalka ay maanta bixiso lacagaha ay dowladdu ugu talagashay dugsiyada dowliga ah .
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa shalay sheegay in dowladdu ay soo saari doonto lacagahan maanta oo khamiis ah.
Sido kale waxaa si lacag la’aan maaskaro ama axirka loogu qaybinayaa ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah.
Magoha ayaa waalidiinta iyo macallimiinta ugu baaqay inay xaqiijiyaan in ardayda kale ay iibsadaan maaskarada xilliga dib loo furaya dugsiyada.
Dhanka kale waxaa gudaha dalka laga hadal hayaa go’aan dhawaan ka soo baxay wasaaradda waxbarashada oo ah in ardayda fasallada afaraad iyo sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare ay Isniinta soo socoto dib ugu laabtaan dugsiyada.
Waalidiinta qaar ayaa cabasho ka muujinaya inaysan haysan waqti ku filan oo ay carrurtooda ugu diyaar garoobi karaan inay si toos ah u sii wataan casharadda.
Qaar ka mid ah dhagaystayaasha idaacadda oo aan arrinkan wax ka weydiinay ayaa dareenkooda nala wadaagay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here