Wasaaradda tacliinta oo soo saartay lacagaha dugsiyada dowladda

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa bixisay lacagaha ay dowladdu ugu talagashay dugsiyada dowliga ah.
Xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay in dowladda ay soo saartay lacag gaareysa 14.4 bilyan oo shilinka dalka iyadoo 13.2 bilyan oo shilin  loogu maalgelinaya dugsiyada sare ee dowliiga ah halka 1.2 bilyan oo shilin loo qondeeyay dugsiyada hoose dhexe  ka hor inta aan dib loo furin maalinta isniinta ee toddobaadkan.
Sida laga soo xigtay Mr Kipsang ayaa lacagahan ugu dambeyn iskuulada heli doona maalinta Isniinta ee toddobaadkan ahna maalinta ardayda gaar ahaan fasallada afaraad iyo sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare ay dib ugu laabanaayaan goobaha waxbarashada.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof George Magoha ayaa isbuuci la soo dhaafay xaqiijiyay in dowladda ay Sido kale si lacag la’aan maaskaro ama afxirka ay u qaybinayaa ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah.
Magoha ayaa waalidiinta iyo macallimiinta ugu baaqay inay xaqiijiyaan in ardayda kale ay iibsadaan maaskarada xilliga dib loo furaya dugsiyada.
Qeyb ka mid ah lacagaha, ayuu wasiirka sheegay in loo adeegsan doonaa in lagu fududeeyo waxbarashada bilaashka ah ee hay’adaha dowliga ah.
Wasaaradda waxbarshada ayaa ku amartay dhammaan dugsiyada inay xaqiijiyaan isticmaalka agabka looga hortagga cudurka Covid-19 sida maaskarada sanka iyo afka lagu xirto, gacmaha nadiifiyaha loo yaqaano hand sanitizer iyo mashiinta heerkulka lagu baaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here