Wasaaradda waxbarashada dalka oo qalab dheeri ah u isticmaali doonta imtixaanada qaran ee dalka

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa dadaal ugu jirta in waqtiii loo asteeyay in imtixaanada qaran ee shahaadiga in ay bilowadaan iyadoona ay jiraan caqabado badan ee horyaala imtixaanada qaran ee bilaabanaya isbuucaan
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Hoose ee (KCPE) ayaa lagu wadaa in uu bilaamo Talaadada, iyadoo maalinimada isniinta ardayda tababar loo siinayo qaabka imtixaanka ee isugu diyaarinayaan halka imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare ee (KCSE) la bilaabay isniinti la soo daafay qeybtiisa farsamasda iyadoona qeybaha kala uu si rasmi u bilaaban doona 4-ta bisha November ee sanadkan.
Wasaarada waxbarshada ayaa shalay sheegtay in diyaar utahay in ay la tacaasho caqabado walbo oo halis gelin kara imtixaannada.
Xoghayaha wasaaradda tacliinta ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa faray dhamaan agaasimeyaasha ismaamulayaasha iyo kuuwooda waxbarshada inay la shaqeeyaan gudoomiyeyaasha degmooyinka si loo hubiyo in qalabka imtixaanka la gaarsiiyay dhamaan xarumaha waqtigii loogu tala galay.
Dhanka kale Wasiirka waxbarasha ee dalka Prof. George Magoha ayaa dhankiisa xaqiijiyey in ay meel u dhigtay agaabka kala oo dheeri ah, oo ay ku jiraan helikobtarro, si loo hubiyo in waraaqaha imtixaanka ay u gaaran xarumaha si nabadgelyo ah iyo waqtiga loogu talaglay iyadoona deegaan qaar uu saameeyay daadad kadib markii roobab xoogan ay ka da’een.
Sido kale wasaaradda waxbarashada ayaa diyaar ka dhigtay gawaari ambalance ah si ardayda looga caawiyo ardayda hadii ay xaalad deg deg ku soo boodo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here