Wasaaradda waxbarashada oo amartay in la xiro dugsiyada aan diiwaan gashaneyn

Xoghayaha wasaaradda tacliinta ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa amar ku bixiyay in albaabada la isugu dhufto dugsiyada aan dowladda u diiwaan gashaneyn.
Sido kale waxaa uu amray in shahaadooyinkii lagu diiwaan geliyay lagala laabto dugsi kasta oo aan ilaalin xeerarka ku saabsan badbqabka.
Go’aanka wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa yimid kaddib markii ay soo baxday inay jiraan xarumo la billaabay iyadoo aan la raacin nidaamka habboon.
Dr. Belio Kipsang, xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo jimco ah , dhammaan saraakiisha wasaaradda ku matalo deegaanada kala duwan ee dalka ku amray in iyadoo la kaashanaya waaxyaha kale ee dowladda kormeer iyo qiimeyn lagu sameeyo dugsiyada.
Amarkan ayaa la doonaya inay dhaqangeliyaan ka hor inta xilli dugisyeedka saddexaad ee sannadkan uunan dhammaan 25-ka bisha Tobnaad ee 2019-ka.
Waalidiinta ayaa laga dalbaday inay xaqiijiyaan in dugsiyada ay carruurtooda geynayaan ay dowladda u diiwaan gashanyihiin.
Waxaa sido kale la eegaya inay jiraan xarumo qaabilay tiro arday oo ka badan intii loo jaangooyay.
Sido kale waxaa tallaabo laga qaadaya dugsi waliba oo shaqaleysiiyay macallin aan liiska dowladda ee TSC ku jirin.
Shalay ayay ahayd markii wasaaradda tacliinta ee dalka ay xirtay dugsiga sida gaarka ah loo leeyahay ee Precious Talents Top School ee deegaanka Dagoretti magaaladatani Nairobi kaddib markii maalmo ka hor fasal ka mid ah oo dumay ay ku dhinteen 8 arday ah halka 64 kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxaa sido kale la xiray dugsiyada St Catherine Bombolulu ee deegaanka Kibra iyo Pama Academy oo ku yaalla Kangemi kaddib markii lagu arkay dhismooyin aan adkeyn oo laga cabsi qabo inay dumaan.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa dhankiisa sheegay in dugsigii fasal ka mid ah uu dhawaan dumay ay wax ka baranayeen in ka badan 500 oo arday ah in kastoo shahaadadii lagu diiwaangeliyay ay muujinayso inuu qaadi karo oo keliya 300 oo arday ah.
Dhanka kale dacwad oogayaasha dowladda matalaya ayaa doonaya in mulkiilihii dugsiga Precious Talents Top School Mr. Moses Wainaina uu xabsiga ku jiro muddo 14 maalmood ah.
Waxay maxkamadda maanta u sheegeen inay doonayaan muddo dheeraad ah oo lagu soo afjarayo baaritaanada la xariira dayacaad sababtay dhimashada 8 arday ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here