Wasaaradda waxbarashada oo codsatay in ka badan 420 milyan

Wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa sheegtay inay u baahan tahay dhaqaale dheeraad ah oo gaaraya 429 milyan oo shilin.
Lacagtan ayaa loo adeegsanaya in lagu dardargeliyo in qalabka la isku badbaadiyo loogu soo iibiyo sido kalena baaritaano la xiriira cudurka covid-19 lagu sameeyo tababarayaasha iyo ardayda dhigta machadyada farsamada ee dalka.
Warbixin ay wasaaradda u gudbisay guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha tacliinta ayaa arrinkan shaaca looga qaaday.
Qoraalka wasaaradda waxaa ku xusan in tababarayaasha , ardayda iyo dhammaan shaqaalaha machadyada farsamada ee dalka la doonayo in laga baaro cudurka ka hor inta aynan howlaha waxbarashada dib u billaaban.
Sido kale shakhsiyaadkan ayaa waxaa Khasab ah inay sitaan marada sanka iyo afka lagu xiro sido kalena xarumaha ay ku sugan yihiin ay lahadaan qeyb gaar ah oo leh biyo , saabuun iyo gacma nadiifiyaha loo yaqaano hand sanitizer.
Wasaaradda ayaa intaa ku dartay inay u baahan tahay lacag dheeraad oo dhan 3.8 bilyan si ay arday badan ugu biiraan dugsiyada marka dib loo furo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here