Wasaaradda waxbarashada oo digniin ka soo saartay buug muran dhaliyay

Wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa soo saartay digniin ah in maamulayaasha dugsiyada laga doonayo inay xaqiijiyaan inaan ardayda loo bandhigin buug muran dhaliyay ama mid waliba oo uunan ansixin machadka horumarinta manaahijta ee KICD.
Wareegto ka soo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in machadkan uu baaritaano iyo dabagal ku sameeyo buugagta casharada ama sheekooyinka ay ka raacdaan ardayda.
Waxaa khasab ah in buugaagtaasi ay yihiin kuwo wafaaqsan manhajka qaran ee dalka laga isticmaalo.
Arrintan ayaa timid kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in buug lagu qoray luqad anshax darro ah dugsiyada qaar ay soo jeediyeen inay ardayda fasalka lixaad isticmalaan.
Machadka KICD ayaa dhankiisa iska fogeeyay buuggaasi waxaa uuna xusay in uunan meel marin.
Balse waxaa la isweydiinaya sideey ku suurtagashay in buugga loogu magacdaray Blood Ties ee ay soo saartay shirkadda buugaagta daabacdo ee Story Moja uu suuqa ku galay iyadoo aan la ansixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here