Wasaaradda waxbarashada oo sheegtay in iskuulada la xiri doonin

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa shaacisay in dugsiyada ay sii furnaan doonaan kaddib markii ay kordheen kiisaska iyo dhimashada COVID-19 .
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda tacliinta dalka Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay in ardayda dhawaan dib ugu laabtay goobaha waxbarashada ee fasallada 4-aad iyo 8-aad ee dugsiga hoose dhexe iyo fasalka afaraad ee dugsiga sare ay sii wadan doonaan waxbarashdooda.
Waxaa uu sheegay in ardayda ay ku badqabaan iskuulada sida loo sheegay marka loo barbardhigo xilliga ay ku sugan yihiin meel ka baxsan goobaha waxbarashada.
Hadalkaan ayuu jeediyay xilii uu kormeer ku tagay iskuulka gabdhaha ee Naivasha iyo dugsiga sare ee Naivasha oo ay dhigtaan wiilal.
Wuxuu sheegay in iskuulada ay nidaamsan yihiin sido kale laga taxadarayo ardayda.
Qaar ka mid ah iskuulada ku yaala dalka ayaa waxaa laga helay xanuunka Corona Virus iyadoo laga cabsi qabo in ardayda uu saameyn ku yeesho.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa sare u kacay xaaladaha cudurka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here