Wasaaradda waxbarashada oo sheegtay inay xabsi 3 sano ah wajahayaan maamulayaasha skuulada lagu arka buugagata aan la ansixin

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa maamulayaasha iskuulada uga digtay inay isticmaalaan buugagta cusub oo ana la ansixin .
Wasaaradda ayaa sheegtay in maamulayaasha lagu hela iyagoo si khaldan u adeegsanaya buugagta cusub ay wajahayaan xabsi 3 sano ah.
Tani ayaa timid ka dib markii Wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa soo saartay digniin ah in maamulayaasha dugsiyada laga doonayo inay xaqiijiyaan inaan ardayda loo bandhigin buug muran dhaliyay ama mid waliba oo uunan ansixin machadka horumarinta manaahijta ee KICD.
Wareegto ka soo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in machadkan uu baaritaano iyo dabagal ku sameeyo buugagta casharada ama sheekooyinka ay ka raacdaan ardayda.
Machadka KICD ayaa dhankiisa iska fogeeyay buuggaasi waxaa uuna xusay in uunan meel marin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here