DHAGEYSO:Wasaaradda waxbarashada soomaaliya oo beenisay inuu mar kale fashilmay imtixaanka

Iyada oo Maanta lagu wado in uu bilowdo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare oo ay qaadayso wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa waxay wasaaraddu beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada ay ku wada xariirto oo lagu sheegay in mar kale uu fashilmay imtixaanka dugsiyada sare.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa wararkaasi beeniyay xilli uu la hadlay warbaahinta qaranka soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay muujisay diyaar garoow xoogan,isla markaana ay dadaal badan gelisay in mar kale uusan fashilmin Imtixaanka Wasaaaradda ay qaadayso.

Wasiirka ayaa dhanka kale digniin u diray dad uu sheegay in waxyaabo been ah ay faafinayaan oo uu hoosta ka xariiqay in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono

11-kii bishan ayaa magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka soomaaliya waxaa ka bilowday imtixaanka dowladda,hayeeshee markii dambe la baabi’iyay isla markaana maanta markale la galayo.
In ka badan 30,000 oo arday ayaa la filaya inay maanta u fadhiistaan Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare,iyada oo Muqdisho iyo Gobolada dalka soomaaliya si weyn looga diyaar garoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here