Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay Natiijada Imtixaanaadka dugsiyada sare

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dawladda Soomaaliya ayaa maanta oo taariikhdu ay ku beegan tahay 06-da bisha September 2020 waxa ay ku dhawaaqday Natiijada imtixanadka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2019/2020.
Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkaan, ay imtaaxaanaadka dugsiyada sare ee dalku ay u fariisteen 33,727 arday oo guud ahaan caasimadda iyo gobollada dalka, kuwaas oo ay ku galeen 114 xarumo waxbarasho.
Natiijadii maanta ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada dalka ayaa waxa ay ku sheegtay in ay sanadkaan gudbeen 25,177 arday.
Tirada wiilasha ee imtixaanaadka sanadkaan ku dhacay ayaa ah 5,231 arday,oo u dhiganta 24.90% halka tirada gabdhaha ee imtixaanka ku dhacayna ay yihiin 3,319 arday, oo u dhiganta 26.09%, sida ay Wasaaraddu shaacisay taas oo wadarta guud ee ardayda dhacday wiilal iyo gabdhoba ka dhigeysa 8,550 arday oo ka dhigan 50.99% .

Sidoo kale waxa ay soo bandhigtay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dawladda Soomaaliya Natiijada kala sareynta Iskuullada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here