Wasaaradda Waxbrashada oo magdhaw siinaysa qoyskii ay ka Geeriyooday ardayda ee ismaamulka Kakamega

Xog’hayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr Belio Kipsang ayaa sheegay in wasaaradda ay garab taagan tahay qoyska ardaydii ku dhimatay musiibadii ka dhacday skuulka Kakamega.
Wasaaradda waxbarashada dalka ayaa sheegtay in qoyskiIba la siin doono lacag magdhaw ah oo gaaraysa 100,000 oo shillinka dalka ah.
Waxaa uu sheegay Belio Kipsang in ay wasaaradda waxbarashada ay ka xun tahay dhibka soo gaaray qoyska ay ka baxeen ardadaasi.
14 ka mid ah ardayda ayaa shalay aas loogu sameeyay ismaamulka Kakamega iyadoo ay murugo weyn ka muuqatay waalidiinta ardayda.
Naila Kiverenga oo ka mid ahayd ardaydii ku dhimatay isbuurashadii ka dhacday dugsiga hoose dhexe Kakamega ayaa kaliya ah loo aasay nidaamadka islaamka .
Dowladda dalka oo cambaaraysay isbuurashada ka dhacday skuulkaas ayaa sheegtay inay wali socdaan baaritaan inkasto oo aan wali talaabo deg deg ah la qaadin.
Booliska oo arrintaas warbixin ka qoray ayaa sheegay inay socdaan baaritaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here