Wasarada Caafimadka oo sheegtay in dalka uu ku wajahanyahya ka guulaysiga fayraaska Corona

Wasarada Caafimadka ayaa sheegtay in dalka uu ku wajahanyahay ka guulaysiga Viruska Corona, maadama dhamaan calaamadaha ay yihiin kuwa muujinaya in lagu guulaysto.
Mar uu maanta saxaafada la wadaagaye warbixinta maalinlaha ee Xanuunka COVID-19, Wasiirka Caafimadka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in bishii anu soo dhafnay ay kiisaska 5% hoos u dhaceen, taasina ay ku qeexantahay shuruudaha hay’ada caafimadka aduunka WHO oo sheegtay inay tuseyo in laga guulaysanyo.
Hase yeeshe, wuxuu ka digay in habacsanaanta u hoggaansamida tallaabooyinka xakamaynta ee COVID-19 ay dib u rogi karto guulaha laga gaaray la dagaallanka cudurka oo galaaftay nolosha in ka badan 600 oo qof oo ku nool Kenya.
Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Dr. Patrick Amoth ayaa ku celceliyay hadalka Mr. Kagwe ee ku saabsan inuu hoos u dhacay faafida Covid-19 wuxuna shegay in boqolkiiba 5% uu ka hooseeyo cudurka isla markaana tiro badan oo bukaan ah ay ka bogsadeen labadii bilood ee la soo dhaafay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here