Wasiir Fiqi oo booqday Ciidamo tababar u socdo Amarna siiyay

Wasiirka amniga gudaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta booqasho ku tagay xerada Indha-qaris oo ah xero ay ku xareysanyihiin ciidamo loo diyaarinaayo Daraawiishata Galmudug oo ku taallo duleedka magaalada Gaalkacyo.
Wasiir Fiqi oo la hadlay ciidanka ku xareysan xerada ayaa u sheegay in iskuullo waxbarasho loo furi doono dhawaan si ay bulshada sugeyso ugu adeegaan ayagoo ka dhisan aqoon ciidan iyo mid maaddi intaba.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan loo soo xiri doono tababarka si ay ugu adeegaan bulshada Galmudug una xorreeyaan deegaanada ka maqan gacanta dowlad Goboleedka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here