Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo Geeriyooday iyo Madaxweyne waare eek a tacsiyadeeyay.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii, Golayaasha Maamulkaas, iyo Shacbiga Hirshabelle kadib geerida ku timid Allaha u naxariistee Wasiirkii Hub ka dhigista iyo dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Maamulka Hirshabelle Marxuum [Axmed Cumar Libbi] sidoo kalena ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle oo Saakay Ku geeriyooday Magaalada Caasimada u ah Hirshabeelle ee Jowhar oo uu maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay.
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Maamulkiisa, iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Marxuum Wasiir Xildhibaan [Axmed Libbi] ayaa waxaa uu baarlamanka Hirshalle ku soo biirey dabayaaqadii 2016 xiligaasi oo La unkay Maamulka Hirshabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here