Wasiir ku xigeenka caafimaadka ee Tanzania oo shaqada laga eryay

Madaxweynaha dalka Tanzania John Pombe Magufuli ayaa lagu soo warramayaa inuu shaqada ka ceyriyay wasiir ku xigeenkii wasaaradda caafimaadka wadankaas Dr Faustine Ndugulile.
Waxaa jagadaas loo magacaabay Dr Godwin Mollel.
Tallaabada shaqada looga tiray Dr Ndugulile ayaa dad badan lama filaan ku noqotay waxayna ku soo aadaysa kaddib isbeddelo laba toddobaad ka hor laga dhex sameeyay wasaradda caafimaadka ee dalka Tanzania.
Mas’uulka xilka laga qaaday ayaa wasaaradda ka shaqeynayay muddo saddex sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here