Wasiir Magoha oo sheegay in dhawaan waxbarashada dalka dib loo furi doono

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Pro George Magoha ayaa sheegay in dhawaan la furi doono xarumaha waxbarashada ee dalka.
Hadalkan ayuu ka jeediyay xilii xarunta tababarka farsamada Mawego ee ismaamulka Homa Bay.
Prof Magoha ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka shaqeynayaan sidii skuulada dalka dib loogu furi lahaa.
Tan ayaa imaanaysa iyada oo ay sii yaraanayaan xaaladaha COVID19 ee dalka.
Shalay ayay ahayd markii Kenya laga diiwangaliyay kiisas dhan 148 Mombasa ayaana hogaaminaysay oo laga helay 40 xaaladood.
Tirada guud ee kiisaska dalka waxay hadda marayaan 36,724.
Tan ayaana keentay in xarumaha waxbarashada dalka alabaabada loo laabo iyadoona laga cabsaday in carruurta waxbarashada ku jirta uu saameyn ku yeesho xanuunka safmarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here