Wasiir sheegay in loo diiday taageerada Dowladda Somalia oo is casilay

Wasiir kuxigeenka Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabelele Xildhiban Geelle Isaaq Warsame ayaa ku dhawaaqay in inuu iska casilay xilkii Wasiir kuxigeenka Amniga maamulkaas.
Shir jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay Beledweyne ayuu ku sheegay inay timid kadib markii Taliyaha Booliiska Gobolka uu joojiyey banaabax lagu taageerayey Dowlada Soomaaliya oo uu Wasiir kuxigeenka qeyb ka ahaa.
Waxaa uu sido kale sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle, iyada oo la joogo dhamaadka muddo xileedkooda uu kasoo horjestay dowladda Soomaaliya,isla markaana uu diiday in Bulshada ay soo bandhigaan aragtidooda ku aadan taageero ay u hayaan Madaxda Dowladda.
Ugu dambeyn waxaa uu ka dawaajiyay in laamaha amniga Hir-Shabeelle ay Xabsiga dhigeen Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas iyo Mid kamid ah wariyaasha baladweyne ee duubayey Banaabaxa,waxaana Madaxda Dowladda uu ugu baaqay inya guddi u soo dirto xaalada ka jirta Magaaada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here