Wasiirada Maamulka Jubaland oo amaro la duldhigay

Xeer ilaaliyaha guud ee Maamul goboleedka Jubbaland, Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa soo saaray amar ku socdo wasiirada maamulkaas.
Xeer ilaaliyaha Jubaland oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in wasaarad kasto laga doonayo inay xafiiska xeer ilaalinta u soo gudbiso nuqul ka mid ah heshiisyada ay galeyso, si dabagal loogu sameeyo heshiisyadaas.
Waxaa uu sheegay in arrintaan ay muhiim u tahay in dabagal lagu sameeyo si loo hubyo inay yihiin kuwo sharci ah oo Waafaqsan Dastuurka Maamulka Jubbaland ee ku saleysan ilaalinta Hantida dadweynaha
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan Saciid waxaa uu inataas ku daray in maranaba aan la aqbali karin in la galo heshiisyo ku saabsan Hantida Danta guud, iyadoo aysan la socon Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here