Wasiirada shaqaalaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kulmay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Boqortooyadda Sacuudiga Carabiya, ayaa la kulmay Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Bulshada, Ahmed Al-Rajhi.
Kulanka labada dhinac ayaa waxaa ay uga wada hadleen Iskaashiga Shaqada iyo Horumarinta Bulshada ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Waxaa kaloo lagu wadaa wasiirka in uu kullamo la qaato mas’uuliyiinta sare ee dalkaas,isaga oo kala hadli doono Arrimo muhiim ah oo ku saabsan xaalada soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here