Wasiirada Turkiga iyo Giriigga oo kulan yeeshay

Waxaa markii ugu horreysay kulmay wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Turkiga iyo Giriigga tan iyo intii labadan waddan uu khilaaf soo kala dhex galay.
Labadan waddan ayaa xubno ka ah gaashaan buurta NATO.
Waxay isku hayaan baaritaano la xiriira shidaalka iyo maamulka bariga badda Mediterranean.
Warbaahinta Turkiga ayaa ku warramaysa inay wada hadleen wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Mevlut Cavusoglu iyo dhigiisa Giriigga Nikos Dendias.
Kulanka ayaa ka dhacay caasimadda dalka Slovakia ee Bratislava oo lagu qabanayo kulan amni.
Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa tabisay in labadan mas’uul ay ka wada hadleen iskaashiga dalalkooda ka dhexeya iyo arrimaha gobolka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here