Wasiirada xilka sii haye ee Soomaaliya oo kulan la isugu yeeray

Golaha Wasiirada ee xilka siihaya ee xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayaa waxaa loogu yeeray kulan aan caadi aheyn oo duhurnimada Maanta ah ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Xubnaha Golaha wasiirada ayaa xalay ilaa saakay sida ay wararku sheegayaan tiro laabo jeer ah waxaa loo diray farriimo ku aadan inuu jiro kulankaas,welina lama cadeyn waxa looga hadlayo kulanka iyo waxa xilligaan kusoo beegay kulankaan deg dega ah.
Kulankaan aan caadiga aheyn ee la isugu yeeray Golaha Wasiirada Soomaaliya ee xilka siihaya ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ay xilligaan ka jiraan dalka Soomaaliya ,isla markaana aan weli go’aan rasmi ah laga gaarin arrimaha doorashada ee lagu Muransan yahay ayadoo xiliguna aad gabogabo u yahay.
Golaha Wasiirada xilka sii haya ee Soomaaliya ayaa ansixiyay go’aano iyo hindise sharciyeedyo tan iyo markii la riday Xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana la duray sharci ahaanshaha ay Xukuumad Xil Gaarsiineed u leedahay inay go’aano gaarto, iyadoo dalka Xukuumad rasmi ah ka jirin taasoo hoggaamiyeyaasha Maamulada Soomaaliya qaarkood ka soo horjeesteen sharciyada ay wasiiradu meelmariyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here