Wasiiradda arrimaha dibadda oo wax laga weydiiyay xaaladda Kenyaanka ku sugan Shiinaha

Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee dalka Mrs. Raychelle Awour Omamo ayaa maanta ka soo hormuuqatay guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka.
Waxaa su’aalo laga weydiiyay xaaladda Kenyaanka ku sugan wadanka Shiinaha oo uu saameyn ba’an ku yeeshay caabuqa Coronavirus.
Waxay ku nuuxnuuxsatay in dowladda dhexe ay dadaalayso inta karaankeeda ah si dhowna loola socdo xaaladda caafimaad ee muwaadiniinta halkaas ku sugan.
Sido kale waxay carrabka ku dhufatay in qofkii looga shakiyo inuu qabo caabuqa Corona meel gaar ah lagu karantiilo si shacabka kale uunan u saameyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here