Wasiiradda biyaha ee dalka oo amarro soo saartay

Wasiiradda wasaaradda biyaha iyo waraabka ee dalka Mrs. Sicily Kariuki ayaa agaasimayaasha shirkadaha biyaha ee dalka ku amartay inay magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka ay ka hirgeliyaan goobo kala duwan.
Goobahan ayaa loogu talagalay inay shacabka gacmaha ku dhaqdaan si looga hor tago in la isku gudbiyo cudurka Coronavirus .
Arrintan ayay wasiiradda ka hadashay xilli ay ku sugneyd beerta Jeevanjee Gardens ee magaaladatani Nairobi.
Mrs. Kariuki ayaa hoosta ka xarriiqday inay Khasab tahay inay jiraan goobo biyo laga heli karo oo laga sameeyay magaalooyinka gaar ahaan xaafadaha isku raranta ah iyo suuqyada.
Wasiiradda ayaa sido kale shacabka ku boorisay inay sida habboon u isticmaalaan biyaha .
Maamullada isbitaallada ayay dhanka kale ku wargelisay inay xaqiijiyaan in goobahooda ay leeyihiin biyo ku filan shacabka halkaas u raadsanaya daryeelka caafimaad.
Waxay amartay in qiimeyn lagu sameeyo deegaannada kala duwan ee wadanka si meelaha ay biyaha ka jirin ama ku yar yihiin loo gaarsiiyo adeeggan muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here