Wasiiradda jinsiyadda oo nasiib darro ku tilmaantay xilka qaadistii Waiguru

Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo arrimaha jinsiyadda Prof. Margaret Kobia ayaa cambaareysay tallaabadii shalay xilka looga qaaday barasaabka ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka Mrs. Anne Waiguru.
Waxay Kobia sheegtay in go’aankaasi uu ahaa mid nasiib darro ah.
Sido kale wasiiradda ayaa hoosta ka xarriiqday in wakiillada golaha hoose ee Kirinyaga ay muujiyeen bartilmaameedsi ka dhan ah hoggaanka haweenka ee awoodda leh.
Prof.Kobia ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga xumaatay xilka qaadista Waiguru ee ku soo beegantay xilli uu dalka ka jiro cudurka Covid-19 ee saameyn ku yeeshay horumarka dhaqaale iyo arrimaha bulshada.
Shalay ayay ahayd markii wakiillada ismaamulka Kirinyaga ay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen mooshin ay xilka kaga qaadeen barasaabka dowlad deegaankaas Anne Waiguru oo ay ku eedeyeen maamul xumo iyo musuqmaasuqa.
Mooshinka waxaa codkooda ku taageeray 23 ka mid ah wakiillada golahaas.
Waxaa mooshinka Waiguru xilka looga qaaday ka aamustay 4 halka 6 ka mid ah 33-da xubnood ee uu golahaas ka kooban yahay ay ka maqnayeen kal-fadhiga Waiguru xilka guddoomiyanimo looga xayuubiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here