Wasiiradda jinsiyadda oo sheegtay in haweenka lagu takooro hoggaanka

Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha , dhalinyarada iyo jinsiyadda Prof . Margaret Kobia ayaa sheegtay in haweenka ku nool dalka ay weli wajahayaan caqabado ay ka mid tahay in lagu takooro dhanka xilalka hoggaanka.
Mrs. Kobia ayaa hoosta ka xarriiqday in bulshada ay haweenka u aragto inaynan lahayn karti ay uga soo bixi karaan jagooyinka sar sare ee bulshada loogu adeego.
Waxay tusaale u soo qaadatay in marka haweenka qaar ay u tartamayaan xilalka siyaasadeed lagula kaco takoor iyo rabshad.
Wasiiradda ayaa arrimahan ka sheegtay shir ay dumarka hoggaamiyaasha ah ee qaaradda Afrika ku yeesheen maqaaxida Safari Park ee magaaladatani Nairobi.
Waxaa kulanka ka qeyb galay in ka badan 400 oo haween ah iyadoo diiradda la saaray xaqiijinta sinnaan jinsiyadeed iyo awood siinta dumarka.
Tan iyo sannadkii 2000 waxaa sare u kacday tirada haweenka qaaradda Afrika ee haya xilalka hoggaanka in kastoo tani ay weli hooseyso marka la eego wadamada qaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here