Wasiiraddii maaliyadda ee Zambia oo xilka qaadis lagu sameeyay

63

Madaxweynaha dalka Zambia , Edgar Lungu ayaa lagu soo warramayaa inuu xilka qaadis ku sameeyay wasiiraddii wasaaradda maaliyadda Mrs. Margaret Mwanakatwe.
Waxaa uu xilkaasi u magacaabay ku xigeenka madaxa bangiga dhexe ee wadankaasi Bwalya Ng’andu.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay madaxtooyada Zambia laga maamulo.
Afhayeenka madaxtooyada ,Isaac Chipampe ayaa qoraalka ku sheegay in mas’uulka jagadaasi la wareegay la dhaarinayo maanta oo isniin ah.
Mr. Ng’andu ayaa horay u soo noqday agaasimaha guud ee bangiga horumarinta Zambia iyo sido kale maamulaha xarunta maalgashiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here