Wasiiraddii waddooyinka ee ismaamulka Nakuru oo xilka qaadis lagu sameeyay

Wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Nakuru ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiiradda dowlad deegaankaasi u qaabilsan arrimaha waddooyinka Lucy Kariuki.
Arrintan ayaa timid kaddib markii haweeneydan lagu eedeyay in si aan habbooneyn u adeegsatay awoodeeda.
Maanta oo talaado ah ayaa mooshin xilka looga qaadayo la hor geeyay golaha waxaana codkooda ku taageeray 49 ka mid ah 71 wakiilo ah.
Hal maalin un ka hor ayay ahayd markii barasaabka Nakuru, Lee Kinyanjui uu soo jeediyay in Ms. Lucy uu u wareejiyo dhanka waaxda dhalinyarada iyo jinsiyadda.
Waxyaabaha lagu eedeyay ee keenay in xilka laga xayuubiyo waxaa ka mid ah in sidii laga doonayay aynan u maareynin barnaamijka lagu wanaajinayo tayada waddooyinka ee Boresha Barabara.
Mashruucan ayaa ah mid looga gol leeyahay in dayactir ballaaran lagu sameeyo waddooyinka ku yaalla 55 ka mid ah deeganada hoose ee ismaamulkaasi.
Sido kale wakiilada ayaa Ms Lucy Kariuki ku eedeyay inaynan wax qadarin ah u muujin balse waxay iska fogeysay dhammaan waxyaabaha lagu dhaliilayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here