Wasiiradii cadaaladda ee Lubnaan oo is casishay

Wasiiradii wasaaradda cadaaladda ee dalka Lebanon Marie Claude Najm ayaa lagu soo warramayaa inay xilkeedii iska casishay.
Arrinkan ayaa lagu sheegay bayaan ay soo saartay maanta oo Isniin ah.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay warqadda iscasilaadda ay gudbisay iyadoo go’aankeeda ku saleysay qaraxii maalmo ka hor ka dhacay Lubnaan oo ay ku tilmaantay musiibo weyn.
Waxay noqonaysaa mas’uulkii saddexaad ee xil sare haya oo is casilo maadaama tallaabadan mid la mid ah ay qaadeen wasiiradii deegaanka iyo warfaafinta ee Lubnaan .
Sido kale waxaa jiro warar sheegaya in ilaa iyo hadda ay iscasileen 9 xildhibaan .
Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd markii qarax ka dhacay Lubnaan ay ku dhinteen ugu yaraan 158 qof halka in ka badan 6,000 ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here