Wasiirka Amniga Galmudug oo booqday Xeryo ciidan

Wasiirka Amniga Gudaha Maamul Goboleedka Soomaaliya Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta booqday taliska Ciidamada Badda ee Booliska Galmudug ( Galmudug Maritime Police Unit) oo saldhigoodu yahay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.
Wasiirka ayaa warbixin ka dhagaystey taliyaasha ciidanka, asagoo faahfaahiyey baahida loo qabo ciidamada Badda Maamulka Galmudug iyo muhimadda ay ugu fadhiyaan Galmudugta cusub ee hada dib u habaynaysa waaxyaheeda kala duwan.
Wasiir Fiqi wuxuu ugu danbayn ballanqaaday in la tayeyn doono ciidamada Badda eek u sugan deegaanada Maamulka Galmudug si ay ugu guuleystaan ilaalinta xeebaha Soomaaliya iyo ka hor taga maraakiibta sida sharci darrada ah u kalluumeysta biyaha Soomaaliya.
Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug ayaa waxaay horay ula wareegtay maleeshiyaad iyo Gaadiid dagaal oo ku sugnaa degaano ka tirsan gobolka Mudug,kuwaasoo la sheegay in laga dhigayo Ciidamada Daraawiishta Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here