Wasiirka amniga Galmuudg oo booqday deegaano dad is abaabulay ay shabaab kula dagaalamee

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed M. Fiqi, taliyaha Qeybta 21aad ee ciidanka XDS,taliyaha ciidamada Booliska Galmudug, taliyaha ciidamada Danab ee ku sugan Galmudug iyo saraakiil ka kala tirsan qeybaha ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay jiidda ee aagga Tara-Guduud, iyo deegaano kale oo ay ka socdaan abaabulo Al-shabaab ka dhan ah waxaana lagu soo afjaray booqashadaas magaalada Gadoon oo bulshada ay halkaas kula kulmeen.
Deegaanadaas waxaa todobaadyadaan ka socday abaabul ay wadaan bulshada ku nool oo looga soo horjeedo dagaalameyaasha Al-Shabaab oo Maamulka Galmudug ay sheegeen in dhibaatooyin ay ku hayaan dadka deegaanadaas deggan.
Wasiirka Amniga Galmudug iyo taliyaasha Qaybta 21 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyee ayaa jiidda hore kula hadlay dhallinyarada hubaysan ee masawiisleey, oo dagaal kula galay AL-shababa degaano ka tirsan Galmudug.
Ciidanka macawislayda ayaa ballanqaaday Inay Al-Shabaab ka saari doonaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug, wasiirka amniga Maamulkaas iyo saraakiisha ayaana bogaadiyay dadaalka iyo nafhurnimada dhallinyarada macawislayda, waxayna dhankooda ballanqaadeen Inay taageero buuxda siin doonaan, isla markaana ciidamada qalabka sida ay sii wadayaan dagaalka ay ku hayaan Al-Shabaabka ku sugan deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.
Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in kooxo yar oo deegaano kale ka yimid ay dhibaato u gaysanayaan dadka deeganka sidoo kale deegaanadaas laga smaayn doono fariisimo ciidan oo qayb ka ah dagaalka shabaabka ka dhanka ah,isagoo abaalmarin u balan qaaday dadka Shabaab hubka kala soo goostya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here