Wasiirka amniga Soomaaliya oo Maanta Su’aalo lagu waydiidyay shirka Dhuusamareeb.

Wasiirka wasaarada Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo ku sugan Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud ayaa Maanta ka qaybgalay Shirka dib-u-heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug oo maalintii afaraad ka socda Magaalada Dhuusamareeb.
Wasiirka ayaa waxaa Maanta su’aalo la xiriira dhanka amniga weeydiiyay ergada ka qeyb galeysa Shirweynaha dib uheshiisiin Galmudug,isagoo uga jawaabayay su’aalahooda oo inta badanay la xiriireen horumarada laga gaaray Amniga Galmudug & guud ahaan dalka Soomaaliy.
Ergada ayaana inta badan waxay Su’aalahooda ahaayeen kuwo ku qotomay isbedlada dhinaca amniga ah ee ka jira deegaanada Maamulka Galmudug iyo qorsha ay dowladda Soomaaliya u dejisay howlgallada ka dhan ah xooggaga Al-Shabaab oo weli gacanta ku haya deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.
Wasiirka amniga Soomaaliya oo la hadlayay Ergada ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay guulo waaweyn ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen gobolada Shabellooyinka,isagoo tilmaamay in deegaannada Galmudug si la mid ah howlgallo looga fulin doono si looga saaro meelaha ay wali shabaabku ku sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here