Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo ka hadlay kulan ay la yeesheen madaxweynaha Soomaaliland.

Wasiirka wasaarada Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawod ayaa faahfahin ka bixiyay kulankii dalka Sucuudiga ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi ka socday dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Axmed Ciise Cawad Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa tlmaamay in wefdigooda iyo wefdiga uu hogaaminayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay wada daganaayeen hal qasri isla markaana dhamaantood ay u yimaadeen Sucuudiga gudashada acmaasha Xajka.
Wasiirka ayaa xusay in kulankaasi uusan ahayn mid wax siyaasad ah shaqo ku leh maba qayb ka ah wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland wuxuun xusay inay ahaayeen dad Soomaaliyeed oo wax badan wadaaga kulankooduna uu ahaa mid caadi ah maadaama u Tilmaamay inay Salaan ugu tageen madaxweynaha Soomaaliland hoygii uu daganaa ayna soo dhawayn wanaagsan kala kulmeen.
Ugu dambayntii waxa uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawod inay u muujiyeen madaxweynaha Soomaaliland walaaltinimo iyo in ay yihiin dad Soomaaliyeed oo isku faraxsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here