Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya oo gaadhay Dhuusamareeb.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha dowlada Fedraalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Maanta waxaay gaareen Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, iyadoo siweyn halkaasi logu soo dhaweeyey.
Wafdiga Wasiirka oo Maalmahaan la hadal haayey inay tagayaan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa la filayaa inay hogaanka Ahlusunna kala hadlaan tabashada ay ka qabaan Guddiga Wasaaraddu u Magacaawdey Doorashooyinka maamulka Galmudug .
Sabtida Barri ah ayaa la filayaa in sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb ay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Amniga Soomaaliy Maxamed Abuukar Islow Ducaale
Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaan ku mashquulsan xal u helida tabashooyinka ay qabaan hoggaanka Ahlusunna si loo dhiso maamulka Galmudug loo dhan yahay,isla markaana la doorto hoggaanka Maamulkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here