Wasiirka arrimaha dibadda ee iiraan oo kulan la qaatay madaxweynaha Faransiiska

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka iiraan Maxamad Javad Zarif ayaa wadanka Faransiiska kulan kula qaatay dhiggisa dalkaasi Jean-Yves Le Drian iyo sido kale madaxweyne Emmanuel Macron.
Arrintan ayaa timid kaddib safar uu Faransiiska ku tagay kaasi oo Maraykanka uu ku tilmaamay mid lama filaan ahaa.
Magaalada Biarritz ayaa waxaa kulan ku qaadanaya madaxda dalalka ku midoobay dalladda G7 ee kala ah Maraykanka, Canada, Faransiiska, Jarmalka ,Ingiriiska , Talyaaniga iyo Japan.
Kulanka dhexmaray wasiirada arrimaha dibadda ee iiraan iyo Faransiiska ayaa qaatay saddex saacadood iyo bar halka Zarif iyo Macron ay wada fadhiyeen 30 daqiiqo.
Mr. Zarif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee twitarka ku sheegay in iiraan ay sii wadayso inay ka sii shaqeyso dibloomaasiyadda iyo wada hadalada wax ku oolka ah waxaa uuna halkaasi dib uga soo laabtay wax yar un kaddib markii kulamada ay dhamadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here