Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan oo Maanta kulan la Qaadanaya Dhigiisa India

34

Wasiirka wasaaradda    arrimaha  dibadda   ee dalka Iiraan  Javad Zarif  ayaa maanta la  filayaa inuu  wadanka India   wada hadal kula qaato dhigiisa  xukuumadaasi.

Kulanka  labada mas’uul dhex maraya ayaa ku soo aadaya kaddib markii  bishan  gudaheeda India ay joojisay shidaalka ay ka iibsan jirtay Iiraan.

Dowladda India ayaa ahayd midda  labaad ee Iiraan shidaal ka iibsato  marka laga soo tago Shiinaha  balse  ganacsigaasi ayaa hakad la geliyay  markii Maraykanku uu  xayiraado  kale  saaray  xukuumadda Tehran.

Javad  Zarif  ayaa wakaaladda wararka ee Reuters   u sheegay in  India  ay ka mid  tahay afarta waddan ee ay sida weyn isaga kaashadaan arrimaha  dhaqaalaha iyo  siyaasadda  sidaasi awgeedna uu la  kulmi doono dhigiisa   India Sushma Swaraj.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here