Wasiirka arrimaha dibadda ee Tunisia oo booqasho ku joogo wadanka

Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Monica Juma ayaa kulan la qaadatay dhigeeda wadanka Tunisia Khemaies Jhinaoui.
Mas’uulkan ayaa booqasho rasmi oo laba maalmood ah ku joogo Kenya.
Qoraal ay soo saartay ayay ku sheegtay in safarka Jhinaoui uu yahay mid taariikhi ah maadaama uu yahay wasiirkii ugu horreeyay ee arrimaha dibadda ee Tunisia oo dalka safar ku yimaado.
Labada wasiir ayaa kulan ay qaateen kaddib waxay saxiixeen heshiisyo dhowr ah oo ay ka mid tahay wadatashi siyaasadeed, shaqa abuurka iyo tababarrada la xariira farsamada .
Mrs. Juma ayaa dhigeeda Tunisia u xaqiijisay in Kenya ay ka go’antahay sare u qaadidda cilaaqaadka labada wadan ka dhexeya.
Waxay si gaar ah isaga kaashadaan ganacsiga, dhaqaalaha , arrimaha bulsho iyo amniga.
Mrs. Juma ayaa sido kale Khemaies Jhinaoui ka codsatay in dalkiisa uu Kenya garab ku siiyo ololaha ay ugu jirto inay xubin aan joogto ahayn uga noqoto golaha ammaanka ee qaramada midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here