Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga oo la kulmaya la taliyaha ammaanka ee Maraykanka

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa lagu wadaa in maanta uu kulan la qaato kaaliyaha amniga ee Donald Trump ,Robert O’Brien.
Sida ku xusan war saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay kulanka ayaa ka dhacaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha wadankaasi Recep Tayyib Erdogan uu weli ku adkeysanaya inay howlgalladca milatari ee Waqooyiga Suuriya sii soconayaan.
Waxaa uu Erdogan meesha ka saaray in wax wada hadal ah lala yeelanayo Kurdiyiinta la bartilmaameedsanayo.
Berri ayaa la filayaa in wafdi ay hoggaaminayaan madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo, ay kulan la qaataan madaxweyne Erdogan.
Erdogan ayaa sheegay in si waliba oo cadaadis iyo xayiraado loo saaro aan lagu beeri karin walaac ku dhaliyay in ciidamadiisa milatari ay joojiyaan howlgallada waqooyiga Suuriya.
Dhanka kale wakaaladda wararka ee dalka Turkiga ee Anadolu ayaa ku warramaysa in la xiray 24 qof oo faafiyay dacaayad iyo dhaliil ka dhan ah howlgallada socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here